1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamsa Cabdi Barre oo hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal  diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa  warbixinno la xiriira xaaladdaha bulsho ee ka jira Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka. Isagoo Ra’iisul Wasaaruhu  sheegay in Xukuumadda  DanQaran ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.