1 min read

Dayaxa oo midabkiisa bluug yahay oo caawa adduunka oo dhan laga arki doono.

Muqaalka Dayaxa oo aad u weyn ayaa caawa si toos ah dadka indhahooda ugu arki doonaan daafaha caalamka.

Waxa ay noqon doontaa fursad naadir ah in lagu arko waxa loo yaqaan dayaxa buluuga ah, markii ugu dambeysay ee ay arrintan dhacdo waxay aheyd 2009-kii.

Dhulka iyo dayaxa marka ay isku soo dhawaadaan ayaa la arkaa muqaalka dayaxa oo aad uweyn maadama masaafada uu dhulka u soo jirasanayo ay tahay mid yar.