2 mins read

Madaweyne Xasan Sheekh “Dagaalku waa soconayaa, ma istaagaayo….” +Video iyo Codka madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gulufka ka dhanka ah al-Shabaab uu sii soconayo ilaa laga gaaro guusha kama-dambaysta ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay khudbad lasoo duubay oo uu jeediyey caawa fiidkii.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay weerarkii al-Shabaab ku qaadeen degaanka Cawsaweyne, waxaana uu sheegay in tirada ciidanka uga dhimatay ay ka yartahay inta ay sheegteen ururka al-Shabab.

Madaxweynaha ayaan sheegin tirada saxda ah ee ciidanka dawladda uga dhintay Cawsweyne.

“Xogta dhabta ah ee Cawsweyne waxay kusoo ururtay Shabaabka nambarka ciidanka waa ka dilnay ay yiraahdeen inu been yahay.”

“Waxay kusoo ururrtay boqol iyo sagaashan xabaalo wadareed inay dadkoodii dhintay ku duugteen,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sawirrada ay al-Shabaab baahiyeen ay ahaayeen kuwo ay “isku soo kabkabeen” sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu sheegay in haddii qaladaad dhaceen la sixi doono, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la joogaa waqtigii geesiyaasha mudan in la abaalmariyana la abaalmarin lahaa, waxaa la joogaa waqti kuwa awoodda ciidan ee la siiyey ku takri falay, khayaanada sameeyey, dadka mar-dabdabeeyey waagii lala xisaabtami lahaa billowgeedii waa la joogaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dadka ku dhex jira ciidanka, sarkaal ha ahaado, ama askari ha ahaado, ama qof kale ha ahaado, ee ku dhex jira ciidanka in lala xisaabtamayo.

“Meeshii qalad ka dhacana waa la saxaa,” ayuu intaas ku daray.
Madaxweyaha ayaa sheegay inaan dagaalka la joojineyn illaa guul la gaaro.

“Dagaalku waa soconayaa, ma istaagaayo, meelaha aan joogno kasoo noqon mayno, horey ayaan u soconaynaa, guusha kama dambaysta ah oo aan raadinayno ayaaa gaaraynaa, guusha kama-dambaysta waa soo dhowdahay,” ayuu yiri.

Waxa uu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dawladda, kuna taageeraan dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.