1 min read

Faah faahin ka soo baxday Taliyihii ciidamada NISA ee Doolow oo xaaskiisa ay dishay.

Taliyihii  Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa maanta waxaa dishay xaaskiisa oo iyadu toogatay.

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Barre Maxamed ayaa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen.

“Waxay ku dishay bistoolad, way xiran tahay (xaaskii taliyihii NISA ee Doolow),” ayuu yiri guddoomiayaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Barre oo sheegay inay haweenaydaasi la tuhmaayay inay xiriir la lahayd Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in taliyaha xaaskiisu qiratay inay iyadu dishay, kadib markii loogu yimid iyada oo gacanta ku haysatay bistooladiisa uu isaguna markaas mayd yahay, oo ay toogatay.

Waxa uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha in shaki weyn horay uga qabeen xaaska taliyaha la dilay inay xiriir la’leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab, oo si weyn ula dagaalsan dowladda Soomaaliya.

“Naagtan (xaaskiisa) ishaan ka arkaynay inay Shabaab tahay. Ninkaan shirqool ayay u dhigaysay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Doolow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in haweenaydan la sheegay inuu qabay taliyaha ay shalay uun gaartay degmada Doolow, ayna la degtay hotel ku yaalla degmada, halkaasi oo uu ka dhacay dilka.

Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dilkaan oo sida la sheegay ay geysatay xaaska taliyihii NISA ee Doolow, oo ayadu hadda xiran laguna hayo baaritaan dheeri ah.