1 min read

Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay Dowladda.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay mid ka mid ah amiirada al-Shabaab.

Wasiirka aya amagaca sarkaalka isa soo dhiibay ku sheegay Nuur Cabullaahi Maalinguur oo loo yaqaan Nuur Deeq.

Waxa uu sheegay wasiirku in Nuur Deeq uu ahaa taliyaha maleeshiyaadka al-Shabaab ee gobolka Mudug, iyo inuu qaabilsanaa inuu ganacsatada, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan gobolka Mudug uu usoo diro telefoonno loogu hanjabo.

Wasiirku a sheegin maalinta uu isa soo dhiibay Nuur Deeq iyo xilligan halka uu ku sugan yahay.