1 min read

Cunsuri hubeysan oo sedex qof oo madow ah ku dilay Maraykanka.

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay sedex qof oo madow ah gobolka Florida ee dalka Maraykanka kahor inta uusan is dilin laftigiisu.

Weerarka ninka caddaanka ah uu ku dilay sedexda qof ee madowga ah ayaa loo tiiriniyaa isir nacayb.

Ninkan oo da’da labatanaadka ku jira ayaa soo galay bakhaarka Dollar General, isagoo rasaas ooda ka qaaday sida uu sheegay sarkaalka magaalada.

Sedexda qof ee la dilay ayaa kala ahaa labo nin iyo qof dumara.

Duqa magaalada Jacksonville Donna Deegan ayaa sheegtay “wuxuu ahaa dambi nacayb ku saleysan” oo uu riixayay cunsuri nacayb ka buuxo.