1 min read

Jawaahir Baarqab”hadaan nahey haweenka soomaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada Qaranka”

Muqdisho :-Howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ka socda degaanno kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle,waxan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaan garab taagan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ururada haweenka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda u istaagay sidii cuntooyin fudud ay ciidamada u gaarsiin lahayeen,halka qaarkood ay  qeyb kayihin howlgallada socda.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir  Jawaahir Baarqab oo ka qeyb galeysay Barnaamijka Raad raaca oo oo ka baxa Talefeshinka Qaranka ayaa sheegtay in ay sameyeen olola isxilqaan ah oo ay ku garb istaagayaan ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiye Jawaahir Baarqab”hadaan nahey haweenka soomaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada furimaha dagaalka ku jira khawaarijta dalka looga xoreynaayo”

sanatar hore Naciimo Ibraahim”waan garab taaganahey kuna taageereynaa naftood hurayaasha xoogga ee guulaha kasoo hooyey dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta oo dhibaatada dalkaan ay ka geysteen qoyskasta iyo guri kasta oo soomaaliyeed ay gaartay”

Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa guula waaweyn ka soo hooyay howlgaladii ugu dambeyay ee khawaarijta looga saaray degaanno iyo tolooyin katirsan Galmudug iyo Hirshabelle