1 min read

Maareeyihii garoomada diyaaradaha Kenya oo shaqada laga ceyriyay kadib koronto la’aan qabstay madaarka JKIA

Madaxii maamulka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa shaqada laga eryay kadib markii koronto la’aan ay keentay in dad rakaabka ah ay muddo saacado ah mugdi ku jiraan garoonka weyn ee JKIA magaalada Nairobi.

Alex Gitari ayaa waxaa shaqada ka ceyriyay wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen, kaasoo raaligelin ka bixiyay fowdada.

Waxa uu intaa ku daray in faragelinta siyaasadeed ay keentay in shaqada laga niyad jabo, isla markaana habacsanaan ay dhacdo.

Shirkadda korontada ee ay dawladdu leedahay si dhab ah uma sharaxin waxa sababayIN korontada dalka oo dhan ka go’do.