1 min read

Denmark oo soo saareysa sharci lagu ciqaabo cidda gubta Quraanka Kariimka

Dowlada Denmark ayaa soo jeedisay hindisa sharciyeed lagu mamnuucayo in lagu gubo quraanka kariimka ah goobaha fagaarayaasha ah,kadib markii dhowr jeer oo hore kutub la gubay ay dalalka Muslimiinta ka caroodeen.

Wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard ayaa sheegay in kitaabka quraanka oo la gubo ay waxyeello u gaysatay Danmark, isla markaana ay halis geliso ammaanka muwaadiniinteeda.

Sharciga la qorsheeynayo ayaa dambi ciqaab lagu muteysan karo ka dhigaya cid waliba oo si xun ula dhaqanta Qur’aanka ama Baybalka. Waxaa qofka falkan lagu helo uu muteysan karaa ganaax iyo xarig muddo 2 sano ah.

Xukuumadda midig-dhexe ayaa sheegtay inay doonayso inay caalamka u dirto farriin. Bilihii la soo dhaafay, dhowr nuqul oo qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dalka Denmark , taasi oo ay caro ak dhalatay