5 mins read

BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH!!! (WARBIXIN)

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur? Waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan markii aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay, sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee malatariga xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo xarada Caano Moog, waana Degmada qadiimiga ah e Ceelbuur taariikh deedu waxa ay ka badan tahay 900 sano.

Ceelbuur waxa ay taariikh ahaan diiwaangelisay magacan Qarnigii 13 aad, waxa ayna boqortooyadii Ujuuraan u noqotay magaalada Ganacsiga, Billowga xilligii Maxmiyadda, 7 deegaan oo Shabeelle hoos tagto ayay ugu diiwan gashaneyd Gumaystihii, waxaana isku hardiyay Taliyaaniga iyo Koox Daacad u ahayd Sheikh Hassan Barsane. Ilaa 1926 ayay ahayd degmo waxa ayna fac ahaan ka weyn tahay goballo diiwaanka galay degmanimadeeda kadib, xilligaas Mudug ayaa loo tiriyay halka maanta ay Galgaduud ka tahay.

Haddaba Afar Arrimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur:- 1. Kacdoonkii Gumeysi Diidka, 2. Degmadii ugu horreysay ee gabar ay iska sharaxdo, 3. Dhagax dhoobada cad ee laga sameeyo Burjikada, iyo 4. Geedka caanka ah ee Ceelbuur ku yaale.

Gelinkii dambe ee 26-kii Maarso 2012-kii, ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunna Waljameeca (ASWJ) ayaa magaalada Ceelbuur  ka qabsaday Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo maalin socday, Qabsashadii Ceelbuur ka dib, Khawaarijtii Shabaab ee ku sugnaa magaalada ayaa si fudud u bilaabay inay la noolaadaan dadka rayidka ah, waxayna dib ugu milmeen maleeshiyo beeleedyo, taasoo keentay in la aqoonsado kooxaha nabad diidka ah.

Haddaan gudagalo qormada, Dagaalka Khawaarijta looma kala harin, waxaa shalay galabtay duleedka magaalada Gaalkacyo gaaray   Mas’uuliyiin uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Md. Axmed Xasan Aadan iyo ciidamo ka soo kicitimey magaalada Mirjiicley ee gobolka Galgaduud,  kuwaasi oo ku wajahan Aagga Wisil, waxayna qeyb ka yihiin gulufka bariga Mudug iyo deegaanada kale looga xoraynayo kooxaha gabalkoodu sii dhacayo ee Khawaarijta, marka Khawaarijtii joogitaan uguma harin dhulkaan.

Hambalyo Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo ciidamada degaanada Hirshabeele iyo Galmudug, Hambalyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan u dabaaldageynaa guulaha sida is daba joogga ah ee ay gaareen ciidamada Qaranka iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan (Macaawisleyda), sidoo kale waxaa bogaadin mudan hoggaanka Dalka, Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo u istaagay in dalka laga xureeyo Khawaarijta Al-shabaab, sidaasi awgeedna  waa inaan loo kala harin sifeynta Khawaarijta, lana xaqiijiyo sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Insha Allaah.

Shalay waxay Ciidamada qalabka Sida ku jimceysteen Magalada Ceelbuur, islamarkana ay Salaadda ku Oogeen, kadib markii ay Ciidanka xoogga dalka  oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta  Magaaladaasi, waxaana laga wadaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo, “Ciidanku waxay gudaha u galeen magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada”, ayaa lagu yiri War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib markii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen oo ay kala wareegeen Argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab, Ceelbuur ayaa aheyd goobtii ugu weyneed ee khawaarijta ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guuaale oo haatan ku sugan gudaha magaaladaasi, islamarkaana Xalay ku hoyday, saakana ka soo toosay ayaa yiri:-  ”waxaan shalay ka qadeeyay Ceelbuur oo aan si nabad ah kula wareegnay, xalayna waa seexday, saakana waa ka soo toosay, howshuna si caadi ah ayay u socotaa”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekha Aadan Madoobe ayaa   hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka Qaranka ee furimahadagaalka ku baacsanaya haraaga kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee uu dhamaaday waqtigooda, wuxuuna intaasi raaciyay in uu sidoo kale hambalyo u jeediyay Xildhibaanada Qaranka ee ku maqan furimaha dagaalka, isla markaana dhiirigalinaya  ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

Sheekha Aadan ayaa ku baaqay in Dowlad-goboleedyada ay u istaagaan ka qeybgalka abaabulka ku aadan Wejiga labaad ee khawaarijta looga sifeynayo gudaha dalka, isagoo intaa raaciyay in ay mudan yihiin in loo Boogaadiyay, maadaama ay  naftooda ay u hurayaan  xoreynta dadka iyo dalka Sommaaliyeed, wuxuuna ugu dambeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan  ciidamada , isla markaana ay ka qeybgalaan dhameystirka haraaga khawaarijta.

20 Habeen oo Madaxweynaha JFS uu dagaalka ka hogaaminayay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa dib loogula wareegay Deegaanno badan oo ay ugu dambeysay Magaalada Ceel Buur, Khawaarijtii 18 sano ayay Ceel-buur Ukumaha dhigatay shalayna, waxaa laga taagay Calanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna  Dal xor ah iyo dowlad hagaagsan ayuu inagu hugaaminayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

War ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo  qaadeen deegaanka Cowswayne  ee Degmada Ceeldheer oo dhawaan laga xoreeyay, iyadoo ay Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku raran yihiin. Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.

Argagixisadu waa dambi ka dhan ah bini’aadantinimada, waxay weerar ku qaaday qiyamka ay bulshadu wadaagto ee ah Nabada, Xoriyada, iyo Cadaalada. Qof kastaa wuxuu door ku leeyahay dagaalka lagula jiro Argagixisada, marka sow ma mudna in aan u midawno, waxaa tusaale nooga filan Qaraxyayadii 14-kii Oktoobar sanadkii 2017 iyo  kii October 30-keedii, 2022-kii.  “BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH”, sidaasi waxaa murti ku muujiyay Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.