1 min read

Lixda waddan ee loo ogolaaday inay ku biiraan ururka BRICS.

Shirweynaha shan iyo tobnaad ee ururka BRICS ee Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ayaa maalinkii sadexaad ka socda magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Ramaphosa, iyo hogaamiyeyaal kale ayaa la filayaa in manta ay khidbad ka jeediyaan shirkaas.

Waddamo gaaraya ilaa afartan oo caalamka ah ayaa codsaday inay ku biiraan ururkaas, balse waxaa codsigaas laga ogolaaday lix dal oo keliya.

Dalalka cusub ee ku biiraya ururkaas ayaa kala ah, Itoobiya, Masar, Iran, Sacuudiga, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

In la ballaariyo ururka oo lagu soo daro waddamo hor leh, ayaa waxaa uu kamid ahaa ajandhaha shirka ururka BRICS uga socda magaalada Johannesburg.