1 min read

Xukunka Xaasaskii Khawaarijta ee lagu qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida

Muqdisho :-Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya-Barrow ka soo baxay,waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan,sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa.

Maxkamadda ayaa Maanta ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Seddax sano oo Xabsi ciidan ah,waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka iyo rakaabka u siday sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in ay magaalada Muqdisho aysan ka bixi karin haweenkaan oo lagu kala magacaabo Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Booliiska ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga,sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.