1 min read

Haweeney aan Muslim ahayn oo loo haysto in Daacishta Soomaaliya ay u qorto ragga ku biiraya.

Haweeney 34 jir ah ayaa lagu eedeeyay falal argagixisanimo waxaana lagu wadaa in maanta la soo taago maxkamad ku taal magaalada Nairobi.

Zuena Nakhumicha Machabe ayaa bishii Juuly laga soo qabtay xadka ay wadaagaan dalalkaTanzania iyo Zambia, iyadoo baxsad ka ah booliska Kenya.

Waxaa lagu eedeeyay in ay rag badan u qortay Daacishta Soomaaliya gaarahanana kuwa ku sugan deegaannada maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo horay loo xiray.