1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waxgaradka Galmudug kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhuusamareeb : Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug si loo dar dar geliyo abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.

Kulamadaas oo ay sidoo kale ka qaybgaleen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa madaxweyne Xasan Sheekh odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.