1 min read

Yaa ku soo bixi doona gudoomiyanimada iyo murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye?

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka furmay shirweynaha xisbiga Kulmiye oo hadda ah xisbiga talada haya.

Shirweynaha oo isha lagu wada hayo ayaa looga fadhiyaa in looga dhawaaqo gudoomiyaha cusub ee xisbiga Kulmiye iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee qabsoomi doonta 2024.

Shirka ayaa lagu wadaa inta uu socdo in isbaddal dhinaca hoggaanka ah la sameeyo, iyadoo la filayo in gudoomiye iyo kuxigeeno cusub la doorto.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ahaa gudoomiyaha xisbiga oo ka hadlayay furitaanka shirweynaha Kulmiye ayaa sheegay in xisbigiisu balan qaadayo inuu dhisi doono isla markaana u adkeyn doono difaaca dalka iyo aminigiisa gudaha.

Somaliland waxa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan dib u dhacyada doorashada, dagaallada gobolka Sool iyo xiisadda buurta gacan libaax.