1 min read

Booliiska Kenya oo soo qabtay nin looga shaki qabo al-Shabaab.

Booliiska deegaanka Dagoreti ee dalka Kenya ayaa soo qabtay nin looga shakisan yahay kooxda al-Shabaab.

Agaasimaha Hay’adda Baaridda Dembiyada ee DCI ayaa sheegay in ninkan 41 jirka ah laguna magacaabo Ferdinand Indangasi uu heystay hub iyo daroogo.

Waxaa gurigiisa laga soo saaray rasaas iyo bistoolad iyo sidoo kale walxaha qarxa.

Ninkan ayay sidoo kale booliisku sheegeen in telefoonkiisa lagu arkay muuqaallo casharro xagjirnimo ah oo lala xiriiriyay al-Shabaab.