1 min read

Dibadbaxyo lagu diidan yahay xarigga Gen. Sheegow oo Muqdisho ka dhacay

Dibadbaxayaal ka caraysan xarigga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal la dagaalamay ciidamada amniga ee caasiamdda Muqdisho ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka muhimka.

Wadooyinka ay tageen dadka dibad baxayay waxa kamid ah isgoyska km4 oo ku dhaw xarunta dambi baarista ee CID-da, waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan sarkaalka xiran.

Waxa hakad kooban ku yimid isu socodka wadadaasi muhimka ah iyadoo markii dambe ay boolisku yimaadeen si ay u yareeyaan saxmadda ka dhalatay mudahaaraddada ka socday km4.

Wadada kale ee Danwadaagaha ayaa iyana laga soo weriyay banaanbaxyo kale oo lagu diidan yahay xarigga Sheegow.