1 min read

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta oo Xarardheere ku booqdey ciidamada difaaca deeganka.

Muqdisho :-Safarkan dhulka ah oo ku tagey Dhuusamareeb ilaa Xarardheere wasiir kuxigeen wasaaradda isgaarsiinta tignolajiyada dowladda Soomaliya Xildhibaan Xussen Axmed Culusow ayaa ku saabsanaa diyaarinta ciidanka deeganka degmada Xarardheere ee macawiisleyda si ay uga qeyb qataan dagaalka Galmudug looga sifeynayo Khawaarijta.

Wasiir kuxigeenka ayaa kulamo kala duwan la qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada ree Xarardheere kuwaasi oo u diyaarsan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka.

Kulan gaara uu wasiirku la yeeshey odoyaasha dhaqanka ree Xarardheere ayuu ka dhageeystey baahiyaha degmada isagoo kula dardaarmey iney ku fara adeygan xasiloonida degmada kana qeyb qataan sifeynta Galmudug ee Khawaarijta.

Odoyaasha ayaa sheegey in khawaarijtu ey dhibaatooyin badan ugeysteen sida in culimadu diinta ey taqaan ku cibadeysan wayeen’ in masaakiintii mudneyd lasiin waayey sakadii iyo sadaqadii badelkeedana inta xoog nooga qaatan ey waxyaabo qaldan kusameyn jireen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda isgaarsiinta iyo tignolajiyada Soomaliya xildhibaan Xussen axmed culusow ayaa banaanka degmada Xarardheere ku booqdey ciidamada dadka degaanka ee macawuuleyda ee loo diyaariyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta,isgoo ciidamada ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ay shacabka u hayaan iyo in ay muhiim tahay in khawaarijta laga xoreeyay degaanada Galmudug,waxa uu ciidanka  gaarsiiyay deeq xoolo ah  oo ugu talagaley inuu ku dhiiragaliyo ciidamada difaaca jiida hore.

16kii Janaayo ee sanadkaan ayaa ciidamada dowladda kuwa Galmudug oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee macawuusleyda ay degmada Xarardheere ka xoreeyeen Khawaarijta kuwaasi oo mudo shacabka ku dhibateynaayay 7-bil iyo maalmo ayaa kasoo wareegey xiligaas wixii ka dambeyeyna waxaa dib u soo laabtay nolasha asaasiga ee bulshada degaanka.