1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday kooxaha khawaarijta inay ka faa’iidaystaan Cafiska dowladda.

Muqdisho :- Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan Xubanaha ka tiran Aragagixisada balse danaynaya in ay Dowlada isku soo dhiibaan kana baxaan kooxahaas Argagixisada ah iyo waalidiinta caruurta laga marin habaabiyay in ay nagala soo xariiri karaan Numberada hoos ku xusan is loo gacan siiyo isa soo dhiibayaasha iyo Waalidiintaba.

xarunta ayaa sidoo kale ku baaqday in xubnaha wali jiray dhanka khawaarijta in ay ka faa”iideystaan fursada uu siinayo xeerka cafiska dadka isku dhiibo dowladda kana soo baxaan kooxda khawaarijta.

Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ka wada howlgallo looga sifeeyn khawaarijta,iyagoo deganadaa ay iska soo dhiibeen xubnno badan oo katirsan khawaarijta kuwaa oo ay dowladdu ku xareeysa xarumihii dhaqan celinta ee loogu talagalay

Mobile/WhatsApp No: +252770000031 ama +252770000032 ama +252620333444