1 min read

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Degmada Aadan Yabaal.

Muqdisho :-Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo sarakiil ciidan ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Agaasimaha Guud xarunta Qaran ee (Tubasan), Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa halkaa waxaa kusoo dhaweeyay xildhibaanno katirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliy, maamulka degamada iyo sarakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan degaanka.

Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa booqaday fariisimaha ciidanka xoogga ay halkaa ku leeyihiin,isagoo ciidanka ku dhiirigaliyay shaqada wanaagsan ay dalka u hayaan,waxa una ciidamada  faray sida ay muhiim u tahay ka foojignaata dhagaraha ay khawaarjtu u soo maleegto Shacabka Soomaaliyeed.

Taliiska xoogga dalka oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa wado da’daallo dalka looga xoreynayo kooxda kawaarijta ee muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka soomaaliyeed,iyadoo ay xusid mudantahay in taliayaha sidaan oo kale uu booqday furumaha hore ee ay ku sugan yihiin geesiyaasha xoogga dalka si loogu dhiirigaliyo shaqa muhiimka ay dalka