1 min read

Messi oo kooxda Inter Miami u qaaday koobka Leagues Cup

Inter Miami ayaa sabtidii ku garaacday kooxda Nashville SC finalka koobka Leagues Cup kadib markii ay barbardhac 1-1 ah ku dhammaatay wakhtigii caadiga ahaa, lakiin rigooreyaal 10-9 ay markii dambey guushu raacaday Miami, iyadoo Lionel Messi uu sii kordhiyey rikoorka guulaha tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda MLS.

Messi ayaa daqiiqadii 23-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo dhaliyay goolkiisii 10-aad ee tan iyo furitaankii tartankan.

Ciyaaryhanka kooxda Nashville ee Fafa Picault ayaa daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka bar-baraha,waxana ay labada kooxoodba si dar-dar leh midba mid kale u weerartay.

Saaxiibada Messi oo aad u faraxsanaa ayaa hawada u bootiyay xiddiga reer Argentine xilli milkiilaha Miami David Beckham uu isna aad u faraxsanaa.

Miami oo tacbaan ah ayaa imaanshiyaha Messi wuxuu abuuray laba kacleyn xagga weerarka ah, iyagoo dhaliyay 22 gool toddobadii kulan ee ugu dambeysay.

Koobkan waa kii 44-aad ee Messi, waana ciyaaryahank ugu badan xagga koob qaadista ee dunida.