1 min read

Shirka Golaha wasiiradda Hirshabelle oo lagu gabtay Degmada Cadalle.

Cadale :- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali ¹Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee ka soo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Dadaallada xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha xasilinta Deegaanada Hirshabeelle, Dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Abuukaate. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo, iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.