1 min read

Nin u dhashay dalka Kenya oo dab is qabadsiiyay.

Nin u dhashay dalka Kenya oo sheegay inuu ka gadoodsanaa sare u kaca maciishadda ayaa gelinki i dambe ee Khamiista dab isku qabadsiiyay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Waxaa uu falkan sameeyay kadib markii uu koray taallo ku taala waddo aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaaladaas.

Muuqal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka oo gacanta ku sida calanka Kenya oo aad u qeylinaya, wax yar kadibna dab ayaa ka kacaya jirkiisa.

Ninkan ayaa waxaa badbaadiyay dad goobjoogayaal ahaa, waxaana markiiba loola cararay isbitaalka Coast General Teaching and Referral Hospital, halkaas oo lagu dabiibayo.