5 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 370=Haddii ay Doodda badiso waxay aheyd inuu qaato Taladii Dhoodaan ee Bulooy Shaah inoo kari=.

1. Oday Reer Gaalkacyo ahaa ayaa waxa uu maqlay Wiilkiisa yar oo Musqusha ku dhax Akhrinayo (( Dalacal Badru Caleynaa, Wajaba Shukru Caleeynaa)). Wiilkii markii uu Musqushii ka soo baxay ayuu Ul Baakoor ah ku garaacay, Ooyintii Wiilka ayaa Hooyadii ku soo baxady kuna tiri: war maxaad Wiilka sidaa ugu dilee? Odaygii ayaa si kalsooni leh ku yiri: sow kan Qur’aanka Musqusha ku dhax Akhrinayo. Hooyadii ayaa ku tiri: war Hooge, wuxu Qur’aan ma ahan ee waa Nashiido Carbeed.
Odaygii ayaa Aamusay wax yar ka dibna Ooyin ayuu Bilaabay. Hooyadii oo yaaban ayaa ku tiri: maxaad la ooyday? Odaygii ayaa yiri: Waxaan u maleeynayay Qur’aan, Afar Sano iyo Todobo Bilood ayaana Salaadda ku Tukunayay, Hadda ma soo wada qaleynaa? Sideen yeelaa.

( war Diinta si fiican haloo barto, wixii Aqoon la’aani kuu geeyso waa Gooniye. Shaararka Dhalinyaradu wadatana ha iska Akhriyeen fariinta ku qoran. Sida Wiilkan Masjidka soo galay isaga oo ogaal la’aan ku labisay Funaanad ay ku qoran tahay ” I am Christ’s Ambassador” waxaan ahay Dan jiraha Kirishtaanka). ( F.S: 1aad)

2. Nin ayaa u tagay Nin Sixroole / Kitaab gaabloow ah. Waxa uu ku yiri: Sheekhoow Xaaskeeyga waan ka shakiyay. Wadaadkii ayaa ku yiri: ii keen 1000 Dollar iyo Shaashka Xaaskaaga. waana uu u keenay. Shiikhii ayaa yiri: War naxdin leh ayaan kuu hayaa. Labada Caruurtaa ee kuu joogto Adigu ma dhalin, Uurka hadda ay leedahayna waxa ay u leedahay Walaalkaa kaa yar.

Ninkii ayaa aad u qoslay. Waxa uuna yiri: Sheekhoow Anna aan Laba Sheey kuu sheego. Tan 1aad, Anigu Xaas maba lihi. Tan 2aad, waxaan kaa Soo Salaamay Ciidanka police-ka, Qeybta Dambi baarista CID.

( Sixiroolihii Intoow ku dambeeyay ha i weydiin, Aakharana halka uu tagayo horaa loo sheegay. Diinta ayaa na leh: Qafkii u taga Saaxir, Cibaadadiisa lama aqbalo 40 Cisho, ka waran haddii aad 40 kaa ku dhax geeriyooto)

3. Cali ayaa Saaxiibkii Farax ku yiri: Faraxiiw, Maxaad u guursan weyday? Farax ayaa yiri : waxaan raadinayay Gabar ku haboon Guurka oo wanaag oo dhan u dhameeystiran yahay. Cali ayaa yiri: Ma heshay Gabar nuucaa ah?. Farax ayaa yiri: Qof nuucaa ah oo wax kasta u dhameeystiran yihiin in la arko waa adagtahay, Laakin, hal mar ayaan arakay Gabar Caasha la yiraa oo shuruucdaha wanaagu u dhameeystiran yihiin. Cali ayaa yiri: Oo maxaad u guursan weyday?. Farax ayaa yiri: Suura gal ma aheyn iyaduna waxa ay raadineeysay Nin shuruudahaasi u dhameeystiran yihiin, Aniguna ma lihi Qof Shuruudahaasi u dhanyihiin.

( Farax iyo Caasho hadda waa laba Doob oo 60 jiro ah, Fadlan haddii aad u hesho Qof dhameeystiran la soo xiriir)

4. Agaasime Axmadey ayaa Xaaskiisa Maano Maseyr, waxa ay ku tiri: waxaan Maqalay in Usbuucaan Xafiiskaaga la keenay Gabar ah Xogheyn Cusub. Waxa ay ku tiri: Xogheeyntu Kub qurxan ma leedahay? Waxa uu yiri: Maba fiirin. Waxa ay ku tiri: Timaheedu ma dheer yihiin? Waxa uu yiri: maxaa i tusayo. Waxa ay tiri: kalarka Cijiyaha u marsan iyo Cilaankeedu ma casaan qurxanbaa? . Waxa uu yiri: Ha igu dimbaajin wax aanan weligey arag. Waxa ay tiri: Ma cod macaan tahay? . Waxa uu yiri: Badanaa maba la hadlo, mana daneyo Codkeeda. Waxa ay ku tiri: Gorgoradda sideey isaga siibtaa?. Waxa uu yiri: Deg deg.
Agaasime Axmadey, Hadda waxa uu jiifaa, Isbitaalka keysaney Qolka 5aad.

( Haddii ay Doodda badiso waxay aheyd inuu qaato Taladii Dhoodaan ee Bulooy Shaah inoo kari).

5. Gabar ayaa Saaxibkeed ku tiri: Hilibka markaan Cunayo, ma Cunu Carabka Lo’da, Sababta oo ah waxa uu ka soo Baxay Sac Afkii.waxa uu yiri: markii ay sidaa tiri, Kadib waxaan u dalbay Ukun oo ka soo Baxday Dooro Dabadeed. 2-4)

( Taasi waxa ay i xassusinee Aniga iyo Md. Cali Mahdi AUN oo joogno “Hotel des mille collines” oo ku yaal Kigali – Ruwanda halkaa oo UNDP ay nagu casuuntay, Markii uu Xilka ka degay kadib ayaa waxaa noo yimid. Wasiir Reer Ruwanda ah, waxa sheekadii ka mid ahaa waxa uu yiri: sideed u cuntiin Hilibka Geela, waxaan necebahay Fool xumadiisa waa xayawaan faruuran oo Fool xun, wasiirka wajigiisa waxaa ka muuqday in uu ku la laboonayo. Md. Cali Mahdi ayaa yiri: Doofaarkana ka waran? Wasiirkii Doofarkii ayuu amaanay. Md. Cali Mahdi oo qoslaayo ayaa igu yiri: Ar, Yaxyoow, Kanu waa baddi. Qofba Dooqiis ahaa, haba ku dambaabee) (F.S: 5aad)

6. Gabar ayaa Saaxiibkeed ku tiri: Babe, Maanta waa dhalashadaadii, waxaan kuu keenay “Mobile” aan ugu tala galay Hadiyadda Dhalashadaada. Waxa uu yiri: Maya, Maya, Anigu Haweenka waan aqaan, Maalintaan is muruno ayaad Dadka oo dhan ku dhihi doontaa Dhalashadiisii waxaa u keenay Hadiyad ah “Laptop” (F.S:6aad)

( Hayeey)

Qore: Yahya Amir