1 min read

Madaxweynaha Shiinaha oo K/Afrika kaga qeybgalaya kulanka dalalka ku bohoobay Ururka BRICS

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir madaxeedka wadamada ku bahoobay ururka BRICS, kaas oo ka furmaya Dalka Koonfur Afrika 21-ka bishaan.

Madaxweyne Xi Jinping waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir Madaxeedka 15-aad ee Ururka BRICS oo lagu qaban doono magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo socon doona 21-ka ilaa 24-ka Agoosto,waxaana ka qeybgali doona Shanta wadan ee Ururka BRICS sida Brazil, Russia, India, China iyo South Africa.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa horay u booqday Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii isagoo doonaayey inuu sare u qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee dalkiisa uu la leeyahay Afrika.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wajahaya waaran lagu soo xirayo ayaa ka qeyb qaadan doona muuqaal ahaan kulankaasi,halkii uu shaqsi ahaan uga qeyb gali lahaa.

Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuumay shir madaxeedka Koonfur Afrika oo ay ku jiraan dhammaan dowladaha Afrika, waxaana la filayaa in la ballaariyo ajandaha ugu sarreeya.

Dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Argentina iyo Ethiopia ayaa muujiyay xiisaha ay u hayaan ku  biiridda kooxdaasi si rasmi ah ama si aan rasmi ahayn.

Dalalka ku bohoobay Ururka BRICS ayaa doonaya in ay muujiyaan awood lamid ah tan reer Galbeedka,waxaana lagu tiriyaa dalalka heysta rubuc meelood dhaqaalaha dunida