1 min read

In ka badan 20 Dhagar-qabe oo lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/Hoose

In ka badan 20 Dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo dhacay xalay abaaro Saddexdii habeenimo ayaa waxaa lagu beegsaday laba Guri oo khawaarijtu ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa, waxaana howlgalka lagu burburiyey Guryihii Khawaarijta fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ahaa burburinta kooxaha khawaarijiinta,iyadoo ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ay ka go’an tahay sifaynta kooxdaasi.