1 min read

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo cambaareysay dilka AUN abwaan Jaamac Kadiye.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo u dhintay madfac shaly kula dhacay gaarigiisa.

Waxaa bayaanka lagu tilmaamay in abwaanku uu ka mid ahaa “hal abuurka iyo haldoorka dalka” balse waxay dilka ku eedeeyeen waxa ay ugu yeereen “kooxaha huwanta ee ku sugan magaalada Laascaanood ”.