1 min read

Kooxda Man City oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Super Cup-ka Yurub

Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay Super Cup-ka Yurub, kadib markii ay rigoorayaal 5-4 kaga badisay Sevilla.

Ciyaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90-daqiiqo kusoo idlaatay 1-1.

Dhammaan sagaalkii laad ee ugu horeeyay ee rigooreyaasha ayaa dhashay, laakin daafaca reer Serbia Nemanja GudelĂ­ ayaa birta ku garaacay, waxaana City oo 10 maalmood ka hor rigoorayaal ay kaga badisay Arsenal ciyaartii Community Shield ay sidaas ku qaadday koobkaas.

Youssef En-Nesyri ayaa dhaliyay goolka kooxda Sevilla daqiiqadii 25-aad, laakiin City ayaa la timid goolka barbardhac ah waxaana madax ku dhaliyay 21 jirkooda Cole Palmer daqiiqadii 63 aad.

Reuters.