1 min read

In ka badan 60 muhaajiriin ah oo ku dhintay badda u dhow xeebta Cape Verde.

In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii dooni alwaax ah oo ay la socdeen dad muhaajiriin ah laga helay xeebaha Cape Verde ee galbeedka Afrika.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheehay on soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan afar carruur oo da’doodu u dhaxeyso 12-16 la soo badbaadiyay.

Doonta ayaa ka soo baxday tuulada Fasse Boye ee dalka Senegal 10-kii bishii Luulyo iyadoo ay saarnaayeen 101 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal, iyadoo soo xiganaysa dad badbaaday.

Doontaan oo muddo ka badan bil ku jirtay badda ayaa maalinimadii isniinta ee la soo dhaafay lagu arkay meel 320km u jirta deegaan badeedka Sal oo ka tirsan Cape Verde, waxaana dadkaasi tahriibka ah ee badbaaday qeylo dhaan u sameeyay dooni kaluumaysi oo Isbaanish ah.

Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka sharci darada ah,si looga hortago khasaaraha nafeed ee soo gaaraya dadka ku safra badaha ee nolo raadiska ah.

Dowladda Senegaal ayaa codsatay in lagala shaqeeyo soo celinta dadka tahriibka ah ee lagu hayo Cape Verde ,waxaana sidoo kale dadka badbaaday ku jira kwo u dhasdhay Sierra Leone iyo Guinea-Bissau.

Jamhuuriyadda Cape Verde ama Cabo Verde, waa jasiirad ku taal badhtamaha badweynta Atlantic,waxayna ka kooban tahay toban jasiiradood oo baaxadda dhuleed uu gaarayo ilaa 4,033 kiiloomitir laba jibaaran,halka tirada dadka lagu qiyaasay 587,925.