1 min read

Banaanbax lagu taageerayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-Shabaab oo ka dhacay Baxdo.

Baxdo :- Isku soo bax balaaran oo ay ka soo qayb galeen  maamulka deegaanka Baxdo iyo dadweynaha kalkala yimid Cadaado, Godinlabe, Ardo,Marsamage,Dhuumodle,Dhagtuur,Kaxandho,Cadakibir iyo magaalooyin kale oo hoostaga gobolka Galgaduud ayaa lagu taageerayay wajiga labaad ee dagaalka iyo dhameystirka wajigii kowbada ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Dibadbaxaan oo saaka ka bilowday deegaannada Galgaduud ayaa dadka deegaannadaasi waxay ku doonayaan in ay taageero ugu muujiyaan sidii ay isaga dulqaadi lahayeen kooxda nabad diidka ah ee Khawaarijta ee ku dhubaaleysanay qaybo ka mid ah gobolka.

Iyadoo shacabka ku dhanaqan Galmudug ay soo dhaweyeen wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka argagixisada in laga bilaabo deegaannada Galmudug oo u halkaa muddo toban cisha ku sugan yahay madaxweynaha JFS Xasan  Sheekh Maxamuud oo garwadeen ka ah dagaalka wajigiisa labaad