1 min read

Tahriibayaal booyad shidaal lagu soo qariyay oo lagu qabtay Tanzania.

Waaxda Socdaalka ee dalka Tanzania ayaa gacanta ku dhigtay 65 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu soo qariyay Booyad Shidaal.

Muhaajiriintan ayaa laga soo daabulay gobolka Mwanza, waxaana loo waday Tunduma.Gelinkii dambe ee Isniintii shalay ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla tuulada Kamsisi, degmada Mlele, ee gobolka Katavi.

Waaxda socdaalka ayaa sheegtay in sidoo kale la xiray 4 muwaadin oo Tanzanian ah oo uu ku jiro darawalkii gaariga.Dhammaan dadkaas waxaa loo haystaa tillaabooyin sharci darro ah oo ay ku kaceen.

Tanzania waxaa inta badan loo isticmaalaa meel ay maraan muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya Eritrea iyo Itoobiya, kuwaas oo intooda badan ku wajahan Koofur Afrika ama Yurub.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM), ayaa ku qiyaastay tan iyo 2014 ku dhawaad 50,000 oo muhaajiriin ah inay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan dalalka sida Mareykanka ama Yurub.

Hay’addu waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ee dadka dhintay ama la la’yahay ay aad uga badan karto inta la shaaciyay.