1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Ma jiro farqi u dhaxeya kan qarashka ku caawinaya iyo kan shabaabka ah…”

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan ku sugan magaalada Dhuusamreb ee xaruunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabab uu bilaaban dooono.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Shabaab laga xoreeyay dhamman degmooyiinka maamulkaHirshabeelle islamarkaana hadda la wado kuwa Galmudug.

Xasan sheekh ayaa sheegay in si loo dardar galiyo howlgallada ka dhanka Al- Shabaab uu tagi doono magaalooyinka maamul gobolleedyada Jubaland iyo Koanfur Galbeed.

Wuxuu digniin u diray ganacsatada Al-shabaab dhaqaalaha siiya isagoo tilmaamay in aanu farqi u dhaxeyn kan qarashka ku caawinaya iyo kan shabaabka ah.