1 min read

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho :-  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Dan-qaran sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee aan la leenahay Midowga Yurub, isaga oo dhanka kale guul iyo nasiib wacan u rajeeyey danjiraha.

Dhankeeda danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.