1 min read

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaanno u dhexeeya Hiiraan iyo Galgaduud

Muqdisho :- Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad  ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyay tuulooyinka Ceel gorof , Ceel boorre iyo Geeddi koror oo u dhaxeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha  guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib gaashaanle, Ismaaciil Cabdi Maalik Maallin,  waxayna  ciidamadu ku guuleysteen in ay  isku furaan waddada xiriirisa Degmada Maxaas iyo Wabxo.

Ciidanka xoogga ayaa intay howlgalka ku jireen waxay waddooyinka qaar ay  ka saareen miinooyin ay argagixisadu ku aaseen, iyadoo malleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaana ay isaga carareen.