4 mins read

Waa tuma Gabadha Soomaaliyeed ee basbaaska ay sameyso dunida laga hadal hayo?

Ubax Xasan, oo asalkeeda Soomaaliya ka soo jeedda ayaa waxay soo jiidatay warbaahinta dunida, kaddib markii basbaas ay sameyso aad looga hadlay.

Ubax oo dharka xayeysiisa, waa milkiilaha shirkadda UBAHHOT, oo soo saarta basbaas diyaarsan, waxaana basbaaskeeda looga hadlay majaladaha caanka ah ee Oprah Daily, Forbes, Vogue, iyo qaar kaloo badan.

Waxaa gabadhan aad loogu yaqaannaa musalsalka The Real Housewives of New York City, kaasoo ay ka mid tahay jilaayaashiisa.

Waxay Ubax sheegtay in sababta ku dhalisay ganacsiga basbaaska ay tahay inay ku adkaatay cunista kalluun iyo khudaar la huuriyay keligood, waxayna tuman jirtay basbaas iyadoo weel ku shuban jirtay kaddibna miiska cashada usoo qaadan jirtay.

Arrintan ayay sheegtay inay ka keentay xusuusaha yaraanteedii, oo sida lagu yaqaanno inta badan guryaha Somaalida, basbaas iyo toon inta la isku tumo lagu daro liin iyo cusbo.

Gurigeeda ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayay Ubax ku sameysaa basbaaska.

Si la mid ah dadka dharka xayeysiiya, waxay cuntaa cunno caafimaad leh.

“Ma aanan dooneyn inaan cuno kalluun iyo khudrad la huuriyay keligood,” ayay tiri Ubax.

Waxay isku shiiddaa barbarooniga jaallaha ah, xoogaa yaanyo ama tamaandho xabuub ah iyo basbaas, taasoo cunnada u socodsiisay. Basbaasku waa nooc ka mid ah cunnooyinka ay qoyskeedu mar walba isticmaalaan. “Soomaalidu way jecel yihiin basbaaska,” ayay tiri.

Durba basbaaska ay sameyso Ubax ayaa waxaa jeclaaday saaxiibbadeed. “Waxaan sameyn jiray basbaaskan waxaana geyn jiray kmiiska cashada,” ayay tiri. “Dadkuna way qaadan jireen, iyagoo dhadhaminaya, niyaddana iska leh: ‘Waa maxay kan? Waa maxay kan?’” Markii ay aqbalaad ka heshay dukaan weyn oo caan ah oo basbaaska lagu iibiyo kuna yaalla xaafadda Brooklyn, Ubax waxay ogaatay inay sameysatay ganacsi.

Inkastoo markii hore ay xoogaa ka baqeysay inay daah-furto shirkadda Ubah Hot, haddana marka kama aysan shakin hadafkeeda. “Waxaan imid New York anigoo sita $150,” ayay tiri, iyadoo ka sheekeyneysay sida ay guul uga gaartay suuqa tartanka badan loogu jiro ee dhar xayeysiinta.

Waxay is tusisay in go’aankeedu uu ahaa mid fudud: “Waa inaan tan sameeyaa.” Iyadoo weli wadda dhar xayeysiinta, ayay kusoo biirtay suuqa cunnada, gaar ahaan basbaaska.

Ubax ayaa sheegtay in mid ka mid ah saaxiibbadeed uu ganacsigeeda gaarsiiyay Oprah Winfrey, oo ah haweeney caan ah oo soo jeedisa barnaamijka The Oprah Winfrey Show, waxaana basbaaskeeda lagu soo daray liiska ‘Waxyaabaha ay Ka Hesho Oprah’.

“Waxaan dareemay sida inaan ku guuleystay Oscar anigoo matalaya ganacsatada yaryar,” ayya warbaahinta u sheegtay Ubax.

Waxay sheegtay inaysan marnaba maleysan karin in basbaaskeeda uu gaaray Oprah.

“Waxaan hayay ilaa 1,000 kartoon markii aan bilaabayay … Waxaan bilaabay xilli uu socday xanuunka safmarka ah, wuxuuna ahaa wax soo saar cusub, marka, waxana is iri, malaha ilaa 100 ama 200 iibi inta kalena u qeybi qoyska iyo saaxiibbada si ay u tijaabiyaan,” ayay tiri.

Waxay Ubax intaa raacisay, “Wax badan iimaba oollin markii la isoo wacay!”

Waxay sheegtay inaan xoogaa naxdin dareentay markii ay aragtay sida xad-dhaafka ah ee loo dalbanayo basbaaskeeda.

Iyada, saaxiibkeed iyo qaar ka mid ah saaxiibbadeed ayaa iska kaashna jiray baakadeynta iyo diyaarinta basbaaska.

“Daqiiqado gudahood ayaan ku diyaarin jirnay 36 ilaa 40 kartoon. Haddii uu Elon Musk nagu arki lahaa bakhaarkan dhexdiisa iyo sida degdegga ah iyo waxtarka leh ee aan u shaqeyneynay, uma uusan baahdeen inuu sameeyo robots.” Ayay ku kaftantay.

Waa tuma Ubax Xasan?

Ubax waxay ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1983. Sanadkii 1991, ayay usoo wareegtay dalka Itoobiya. Kaddib waxay u guureen dalka Canada iyadoo 15 jir ah.

Qoyska Ubax ayaa muddo sanad ah ku noolaa meelaha ay seexdaan dadka guryo la’aanta ah.

Waxay sheegtay inay markii hore ku adkaatay la qabsiga qabowga daran iyo dhaqanka dadka dalka iyo dharka ay xirtaan.

Ubax ayaa mihnadda dhar xayeysiinbta ka billowday magaalada Toronto iyo Vancouver, kahor inta aysan u wareegin magaalada New York City iyadoo 26 jir ah.

Waxay sheegtay inay ku lumi jirtay waddooyinka New York marka ay u socotay shaqooyinkeeda dhar xayeysiinta.

“Waxaan ku dhex ooyay beer walba oo ku taalla Nw York.” Ayay ku kaftantay Ubax.

Marka laga soo tago inay Ubax tahay ganacsato iyo inay dharka xayeysiiso, waxay sidoo kale u ololeysaa nabadda.

Fatuma Maalim Abukar
BBC News Somali