1 min read

Codsi loo dirtay dadka ku nool deegaannada Al-Shabaab ka taliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaar garow ballaaran oo ku aaddan howgallo ka dhan ah Al-shabaab kaas oo laga fulinayo deegaannada ay shabaabku gacanta ku hayaan.

Jeneraal Cabdullaahi Canaood oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ciidamadu ay ilaalo ka sameeyeen xarumaha Al-Shabaab ee qaraxyada ay ku diyaariyaan, xarumaha madaxda sare ee kooxda iyo saldhigyada abaabulka.

Wuxuu ka codsaday dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, xilli ay sii socdaan duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo goobahaas.

Jeneraal Canaood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya dalalka Soomaaliya taageera ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kuwaas oo lagu dilay sida uu sheegay tobanaan ka tirsan Shabaab.