1 min read

Howlgal Amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho :-Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Faarax Kooshin ayaa Hawlgalo lagu Nadiifinayo Khawaarijta  ka Sameeey degaanno Hoostaga Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlagalka ayaa daaranaa Nadiifinta haraadiga khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno hoostaga Magaalada Halgan,halkaa oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka sameen howlgal baritaano ah,waxana sarakiisha howlgalka hoggaamineysay ay shacabka u shegeen in ay la shaqeyaan ciidamada amniga.

Degaanno badan oo katirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa si dar-dar leh uga soconayo howlgallo kala duwan oo khawaarijta looga saarayo goobaha fara ku tirska ah ay degaanada qaar kaga sugan yihiin,waxaana xusid mudan in mudda todobaad ku dhow uu magaalada Dhuusamareeb  ku suganyahay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh oo ujeedka halkaa u tagay ay tahay dar-dargalinta howlgalada dalka looga sifeeynayo khawaarijta.