1 min read

Jaaliyada Somalida Nederland SFON & Kooxda Soma Boys oo tartankii sanadlaha ahaa

Amersfoort, Jaaliyada Somalida Nederland SFON & Kooxda kubada Cagta Soma Boys waxay shalay qabteen tartankii sanad laha ahaa:  kooxaha Kubada Cagta Jaaliyada Nederland (Footbal Tournament) waxaana ka soo qeyb galay dhamaan kooxadaha wadanka ka dhisan oo kala ah: Amsterdam Breda Gouwda, Nijmeden, Purmerend, Tilburg, Soma Utrecht, Mijndrecht, FC Mijndrecht Soma Boys, Roosendaal, Zeeland Boys. Cayaarahan oo aheyd kuwa si heersare ah loo soo abaabulay waxaana calanwadayaal ka ahaa calanwandayaal Caalami oo ka tirsan Koninklijke Nederlandse Voetbalbond (KNVB).

Tartankaas waxaa uu u dhacay si wanaagsan dhamaan kooxihii ka soo qeyb galay waxay muujijeen cayaar wanaag. Waxaa kaloo kulankan tartanka lagu xusay cayaartooy ka mid ahaa kooxda Soma Boys oo geeriyooday Abdihakiin Ayuub Kiimoo. Waxaa koobka tartanka sanadkan 2023 isugu soo haray kooxaha Soma Boys iyo Utrecht waxaana koobka qaaday kooxda Soma Boys.

Waxaa kulankaas Furay Gudoomiyaha jaliyada Soomaalida ee Nederland Abdikadir Ali Nuune. Iyo mahad celiyey kooxihii ka qeyb galay tartankan iyo gudiga Abaabulka Jasliyada gudonsiyay macalin xasan oo dadaal dheeri ah samreyey siduu kulankan u hergeli lahaa.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaida Nederland SFON & svz zwolle nawaaxigeeda Abdikadir Ali Nuune waxaa kalo Abal Marin siyay cabdulqadir mansuur iyo qandac Iyo macalin. Si doow oo ayagana kamid ah hool wadenada jaaliyada. Iyo jaamac cali cali jaamac oo asagana kamid ah maratida lugu casuumaya cayarahaasi Jaaliyada ay qabato Sanad kiinya ciliyadan oo kale

Bashiir jidaal barow

somaliweyn Holland Amisfoord