1 min read

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Mozambique ee Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Addis Ababa : Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan looga wada hadlay qodobo dhowr ah oo salka ku haya arrimaha Diplomaasiyadda waxa uu la qaatay ku simaha safiirka Mozambique ee dalka Ethiopia mudane Sergio Balio.

Kulankan oo ka dhacay Safaaradda Mozambique ee Addis Ababa ayay labada masuul uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo adkaynta iskaashiga wadajirka ah si horumaro badan looga gaaro dhinacyada dowlad wanaagga, ammaanka iyo ganacsiga.

Danjire Warfaa ayaa si gaar ah ugu adkeeyey Ambassador Balio muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay in ay xasilooni iyo ixtiraam joogto ah ku noolaadaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Mozambique oo awood dhaqaale iyo mid bulshoba ku soo kordhiyey dalkaas.