1 min read

Ciidamada Dowladda oo hawlgal amni ka sameeyey xadka Shabeelooyinka.

Muqdisho :- Ciidamada Qaranka ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay jiinka wabiga Shabeelle gaar ahaan aagga Beerta Cali Mahdi iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda.

Howlgaladan oo si wada jir ah ay u sameeyeen urrurka 2-aad ee guutada 22-2aad Booliska sida Militariga u tababaran iyo NISA ayaa looga goleeyahay xaqiijinta amniga caasimadda.