1 min read

Go’aano laga soo saaray Shirkii wasaaradda maaliyadda dalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Bamaadir.

Muqdisho : Shir u socday muddo 2-maalin ah wasiirada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gebagabeeyey magaalada Muqdisho.

Kulankan ay yeesheen wasiirada maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu gorfeeyay dib u habeynta maaliyadda, mideynta canshuuraha, dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray ayaa sheegay intii uu shirkan uu socday ay wasiiradda maaliyadda federaalka iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirka wasiirada maaliyadda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxa aan qeyb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirkaan.