1 min read

Laamaha Ammaanka ee gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin loo haysto fal dil ah .

Muqdisho :-Taliska Qeybta Guud Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabaha fal dil ah u geystay nin ka tirsana ganacsaatada magaalada Muqdisho.

Ninkaan ay gacanta waxaa ku soo dhigeen laamaha amniga,iyagoo sheegay in la horgeyn doono caddaaladda si wax looga waydiiyo falka dilka ah ee lagu soo qabtay.

Laamaha ammaanka degmada Hodan iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa sabab u noqoday soo qabashada ninkaan falka dilka loo haysto Abaaro 13:30pm ee maanta.

Muddooyinkii u danbeyay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka magaalada Muqdisho ka wadday ciidanka nabad galayada iyagoo baaritaanno ka sameynayay degmooyinka gobolka Banaadir.