1 min read

Ciidamo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Somaliland.

Hargeisa – Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaad hubaysan oo dhexmaray ciidamada booliska ee Somaliland iyo kooxo hubaysan oo ku sugan buurta Gacan-libaax.

Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbaahinta la hadlay iyaga oo faahfaahin ka bixiyey khasaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas hubaysan.

“Ciidan boolisa oo u dhexeeya 30 illaa 35 askari, oo u kala safraya Go’da yar iyo Go’da weyn [oo kaabiga ku haysa buurta Gacan Libaax], una socday dhinaca Go’da Yar, ayay dhexda u galeen [kooxda hubaysani] iyaga oo tiro xooggan ah, ciidankuna waxba kama ogayn, ciidankii oo aan weerar u diyaarsanayn ayay laayeen, sagaal askari ayay halkaas ku dileen, 17 kalena waa dhaawaceen” ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale

Taliyaha booliska ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay ka jawaabi doonaan dhacdadaas, iyo weliba mudaharaado uu sheegay inay sharci-darro yihiin oo ka kala dhacay Hargeisa, Burco iyo Ceerigaabo.