2 mins read

Ha ku deg degin Go’aanka. =Faallo=

1.Nin ayaa ku dhax dhintay, Goob caweeys ” Night Club”. Nin kale ayaa ku dhax dhintay Masjid.
Nin ayaa yiri: kii Kalaabka ku dhax dhintay waa khasaaray, kii Masjidkuna waa faa’iiday.(F.S: 1aad)

Ha ku degdegin Go’aanka

Waxaa dhici karto in kan Night Club-ka ku dhax dhintay uu u galay Kalaabka in uu Dadka ku jiro Kalaabka uu ku hanuuniyo in ay Fisqiga iska dhaafaan oo isaga baxaan meesha. Kan Masjidka ku dhax dhintayna waxaa dhici karto in uu u galay Masjidka in uu wax xado. ( F.S:2 & 3aad)

2. Nin Farshaxiste ah oo wax sawiro ayaa waxaa u yimid Nin Miskiin ah kuna yiri: Ninkaa Miskiinka ah ee kawaanlaha ah Masaakiinta waxa uu siiyaa Hilib sadaqaa, kan Rootilaha ahna Rooti sadaqaa. Adiga oo Tuulada ugu taajirsanna wax ma bixisid. Farshaxaniistihii waa iska aamusay. Maskiinkiina Dadkii Tuulada ayuu u sheegay in Ninka Farshaxanku xaasid yahay.
Ninkii farshaxanku waa xanuunsaday, Qofi sooma booqan. Waa geeriyooday, Aaskii waxaa raacay Laba Nin oo kaliya. (F.S: 4& 5aad)

Ha ku degdegin Go’aanka

Kawaanlihii iyo Rootilihii, Masaakiintii Tuulada wax dambe ma siin. Markii la weeydiiyay waxa ay ku jawaabeen. wixii aan idinku sadaqeeysan jirany waxaa noo soo dhiibi jiray Ninkii Farshaxanka.

3. Nin Qabyaaladu dilootay, oo Qaran jeceyl sheeganaa ayaa igu yiri: waxaa tahay Qabyaaldiiste.

Ha ku deg degin Go’aanka

Waxaan nahay Qaran ka kooban Qabiilo, haddii Qabiilkaaga iyo qabiilada kale ay Xaqooda si Cadaalad ah u wada helaan, waxaa dhismayo Qaran Dadku xuquuqdooda wada helayaan.

4. Ogow, Cadaantu Qurux ma ahan, Madowguna Xumaan ma ahan. Karfanta Meydku waa cadahay, waana laga cabsadaa. Kacbadu waa Madowdahay waana la jecelyahay.
Beni Aadnka Muqaalkiisa ha ku qiimeeyn ee Akhlaaqdiisa fiiri. Rasuulkeena Muxamed CSW waxaa lagu amaanay “Khuluqin Cadiimin” .

Haddii Ragganimado ay ahaan leheyd Cod dhererka iyo iska Qeyli oo Qaaqle noqo, Eeyga ayaa ahaan lahaa Hogaanka Ragga Qeyliyo. Haddii Qaawanaantu ay ahaan leheyd     Quruxda Haweenka, Daanyeerka ayaa noqon lahaa Astaanta Quruxda iyo Boqoradda Haweenka qaawan. ( F.S: 6-8aad).

Qore: Yahya Amir