1 min read

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey Deegaanada hoos yimaada degmada Ruun-nirgood

Muqdisho :-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Ruun-nirgood iyo degaanka hiloowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal lagu xaqiijinayo Amniga deegaanada Hoos yimaada Run-nirgood iyo hilowle-gaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan oo ay sameeyeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19- ee Ilaalo Qaran lagu xaqiijiyey amaanka degmada Ruun-nirgood iyo degaanka Hiloowle Gaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalka inuu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka iyo deegaannada laga saaray gacanta Khawaarijta.