1 min read

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay masjid ku dumay dad ku dhex cibaadeysanayay.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii Masjid weyn u uku burburay dalka Nigeria.

Muwaadiniinta iyo shaqaalaha samatabbixinta xirfadlayaasha ah ayaa sameeyay hawlgal samatabbixin ah ka dib dhacdada Jimcihii.

Abaaro 8:30 habeenimo ayaa aaska dadkii ku dhintay burburka dhismahan lagu cibaadeysto kadib roobabka mahiigaanka ah ee ka socda qaybo kamida dalkaasi.

Afhayeenka Boqortooyada Zazzau, Mallam Abdullahi Aliyu Qwarbai ayaa BBC u xaqiijiyay in siddeed qof la aasay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah qof indhoole ah iyo ilmo yar,” ayuu yiri Kwarbai.

Wararka ayaa sheegaya in saqafka sare ee Masjidka oo ku yaala dabaqa hoose uu soo dumay salaadii casar.

Muuqaal lasoo dhigay ayaa muujinayay qasaaraha soo gaaray masjidka iyo in haatan uusan lahayn meel laga hargalo qorraxda.