1 min read

Dowladda ‘oo beegsatay’ saddex ka mid ah xarumaha Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka ay hawlgal milateri oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Hawlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen. Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay garaashka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Goobta labaad waxa ay ahayd bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay. Goobta sadexaad waxa ay ahayd xarun Khawwaarijtu ay ku tababari jireen maleeshiyaadkooda.”

War-saxaafadeedka laguma sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay howlgalka.

Dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkan uu qayb ka ahaa hawlgallo isdaba joog ah oo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku burburinayaan xarumaha Al-Shabaab kuna beegsanayaan saadka iyo isku socodka Al-Shabaab.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo dowladda ay isku diyaarineyso guluf weyn oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo laga billaabo deegaanada Galmudug, halkaasi oo hadda uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.