1 min read

Ciidamada Xoogga Dalka oo Al-shabaab kala wareegay Ruun-Nirgood iyo Hilowle Gaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saakay la wareegay degmada Ruun niegood iyo deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Saraakiisha xoogga salka ayaa VOA u sheegaya in hadda ay wadaan hubinta ammaanka gudaha degmada, si looga saaro miinooyin laga cabsi qab inay uga tageen gudaha degmada.

Ruun Nirgood ayaa ahayd degmadii ugu dambeeysay oo Al-shabaab ay kaga sugnaayeen Shabeelada Dhexe.