1 min read
Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka ku sugan Diinsoor.
Bay:-Xasan Macalin Aways oo magaciisa afgarashada Khawaarijtu yahay (jindullaah ) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna afgarashadiisu tahay ( jabal ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka iy kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.
Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Khawaarijta muddo 3 sanno ah iyagoo ka dagaal galay gobollada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen waddadii qaldaneed ee ay raaceen.
Muddooyinkii u dambeeyey waxa soo badanaya tirada kooxda khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidamada Qaranka.