1 min read

Dowladaha Mareykanka iyo UK oo war ka soo saaray amniga Itoobiya.

Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray sadex waddan oo kala ah Japan, Australia iyo Nezealand, kuwaas oo walaac ka nuujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Itoobiya.

Rabshado dhawaan ka dhacay gobollada Oromada iyo Amxaarada, “ayaa horseeday dhimashada dad shacab ah iyo xasilooni darro”, ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen jimcaha maanta.

Khubarada arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa hore u sheegtay “inay ka walaacsanyihiin” xaaladda amni darada ay Itoobiya wajahayso, iyagoo dowladda ugu baaqay inay xaalad deg deg ah ku soo rogto gobolka Amxaarada oo uu dagaal haatan ka socdo.

Dhanka kale, Israel ayaa shaacisay inay soo daad gureyneyso in ka badan 200 oo isugi jira muwaadiniinteda iyo dadka ka soo jeeda qowmiyadda yuhuuda ee ku nool laba magaalo oo ku yaala gobolada dalkaas. Gobolka Amxaarada ayaa waxaa ku nool kumanaan qof oo ka soo jeeda qowmiyadda yuhuudda.

Gobolkaas waxaa ka socda oo weliba sii xoogeystay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka fano oo ah maleeshiyaad deegaanka ah oo ka dagaalama gobolkaas.